Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in dagaalkaas uu ka danbeeyay kadib markii Shabaab ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadka hubaysan oo is aruursanayay.
Afar kamid ah dhinacyada dagaalantay ayaa dhimatay kuwa kalana dhaawac ayaa soo gaaray sida ay dadka deegaanka sheegeen.
Dagaalka maanta ayaa qal qal ku abuuray xaaladda magaaladda Jowhar oo maalmahan niyada ku hayay in ay weerar kusoo yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom, hase ahaatee ciidamadaas ayaanan wax lug ah ku lahayn dagaalkii maanta.
Shabaab war kama aysan soo saarin dagaalka, waxaana uu kusoo aadayaa xili ciidamada dowlada ay wax kayar 40 KM ujiraan magaaladda Jowhar.