SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Ciidamo Katirsan Ilaalada Wadooyinka Oo Maanta Muqdisho Tababar looga furay
Tababarkaan ayaa waxa uu yahay mid Ciidamadaan lagu barayo Qaabka Sharciga ah ee Wadooyinka loo ilaaliyo ayaa maanta Ciidamadaan loofuray.

Waxaana ay tiro ahaa gaarayaan Ciidamadaan Ilaalada Wadooyinka ee looyaqaan Taraafikada ay gaarayaan ilaa 20-askar.

Waxaana maanta kasooqeebgalay goobta lagu qabanaayay Tababarkaan masuuliyiin ka socotay wasaaradda Dakadaha, Gaadiidka, Cirka, Dhulka iyo Badda iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo ka socotay maamulka Gobalka Banaadir.

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan taraafikada Cali Xersi Barre Cali Gaab oo kahadlay goobta Siminaarkaan loogu furaayay ayaa waxa uu sheegay in aad loogu baahnaa Tababarkaan oo kale kaas oo ku micneeyay in sare loogu qaadaayo aqoonta Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee looyaqaan Taraafikada.

Sidoo kale isna waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekadaha Maxamed Cusmaan Cali “Dhagaxtuur” ayaa waxa uu tilmaamay in ay maanta sharaf u tahay Wasaaradda Gaadiidka in ay furto Dugsiga Tababarka Ciidanka Taraafikada waxaana uu intaa raaciyay hadalkiisa in ay Wasaaradu wado dadaalka kor loogu qaadayo aqoonta Ciidamada Ilaalada Wadooyinka sida uu sheegay.

Ciidamadaan Ilaalada Wadooyinka ee Looyaqaan Taraafikada ee maanta loofuray Siminaarkaan ayaa waxa ay isugu jiraan Rag iyo Dumar waxaana uu socod doonaa Siminaarkaan ilaa mudd dhan saddex bilood waxaana uu qorshaha yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,957,713 unique visits Top