Wararka naga soo gaaraya magaaladda Afgooye ee gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in ay halkaas ka soconayaan howlgalo xooggan oo ay sameynayaan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Howlgalkan balaaran ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada dowlada Soomaaliya qarax xooggan lagula eegtay gudaha magaaladdaas Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxaas lagu weeraray ciidamada dowlada uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadaas.
Howlgalka ay wadaan ciidamada dowlada ayaa ilaa iyo haatan lasoo sheegayaa in lagu qabtay dad gaaraya 7 ruux oo qaarkood looga shakisan yahay in ay ka danbeeyeen.
Xaaladda degmada Afgooye ayaa waayadan kasii daraysay, iyadoona ay dhacayeen qaraxyo iyo weeraro kale oo la rumaysan yahay in ay Shabaab ka danbeeyaan.