Hal arday ayaa geeriyooday kadib markii Ciidamada dowladda isku rasaaseeyeen Qaad ay soo dhaceen
Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada HODAN isku rasaaseeyay Ciidamo boolis ah oo ka wada ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo dad dilay.
Qof goob jooge ah oo la hadlay mid kamid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada is-rasaaseeyay ay soo dhaceen QAAD farabadan, islamarkaana ay isku afahmi waayeen qaabka ay u qeybsan lahaayeen.
Ciidamada oo ku murmay QAADKA ayaa waxaa soo kala dhexgalay askar kale oo iyaguna damac kagalay jaadka, iyadoo markii dambe rasaas xoogan ay qabsatay gudaha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Sida wararka aynu ku heleeyno hal arday ayaa dhintay, inta la ogyahayna waxaa rasaasta la isweydaarsaday ku dhaawacantay Gabar iyo Wiil arday ahaa.
Ardayga dhintay ayaa la arkayay isagoo gashan dharka UNIFOMKA iskuulka ee dugsiga sare, waxaana haatan meydkiisa uu yaalaa halka xabaduhu ay isugula dhaceen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Waxaan isku daynay in arintaas aan wax ka weydiinno Gudoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka Gobolka Banaadir Warsame Joodax, hase ahaatee wali kuma aanan helin qadka Telefoonka.
Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca falal noocaan oo kale ah, iyadoo dadka rayidka ahi ay u dhintaan waxyaabo macno daro ah sida tan maantaba dhacday.