KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Daawo Sawirada: Sh Shariif oo jawaab cad siiyay Dowlada Kenya kadib markii lagu eedeeyay Qaraxii Jazeera
Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sh Axmed ayaa war kasoo saaray hadal dhawaan kasoo baxay dowlada Kenya kaas oo ku eedeynaya inuu ka danbeeyay qaraxii lagu weeraray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.

Shir uu maanta ku qabtay gurigiisa ayaa Shariif Sh Axmed waxaa uu sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay hadalkaas Kenya kasoo baxay isla markaana uusan raad lahayn.

“Waa been warka kasoo baxay Kenya, waana arin saniib daro ah, wasiirkana isagoo waqti gaaban xilka haya ayuu sidaas sameeyay”ayuu sheegay Madaxweynahii dowladii Jabuuti lagu soo dhisay

Waxaa uu sheegay madaxweynahii hore in Kenya ay ka been sheegtay warka ah inuu ka dalbaday in laga saacido sidii doorashada ay ugu taageeri lahaayeen.

‘Kenya inaan weydiistay inay igu taageerto doorashada waa mid been ah, wasiirkana ma uusan ahayn midka codeynaya, dhaqaalana ma weydiisan wadahadal na dhexmarayna ma jirto”ayuu sheegay Shariif Sh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in Kenya ay isaga colaad gaar ah uhaysay xiligii uu dalka madaxda ka ahaa hase ahaatee ay ahayd in maadaama xilka looga guulaystay in ay iska dhaafaan.

Mar uu soo hadal qaaday waxa keenay inuu si deg deg ah ku tago hotelka markii qaraxa uu dhacay ayaa waxaa uu yiri.

“Dhacadaadis waxaa ay ahed dhacdo xun,waxaana meesha u tagay waxaa ay ahed gurmad iyo in madaxweynaha aan ka soo saaro meesha sababtuna waxaa ay tahay mar hadii meesha uu shil ka dhaco waxa ugu horeya ee la qabto waa in madaxda laga soo saaro meesha maadama aan aaminsanahay in qibradeeda aan lahaa masuuliyadna I saarneeyd in madaxweynaha aan ka soo saaro meeshaas,qaraxa al Shabaab ayaana sheegtay mana jiraan sabab la igu soo leexiyo,waxaana muuqata in wasiirka ay ku jirto colaad fogaatay oo aan macno leheyn waana canbaareeyneynaa. Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmd.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuusan udul qaadan doonin eedeyn kata timaada cid kasta.

‘’Hada kadib ma dhici doonto in aan iska aamuso inta Wax la iga sheego qofkii wax iga sheegaa ana waan ka daba hadlayaa wax baan ka sheegayaa ,waxaana dhax dhaxaad noo ah oo noo gar qaadaya Warbaahinta ‘’ ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Arimaha dibadda Kenya Sam Ongeri ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya inuu ka danbeeyay qaraxii lagu weeraray Hotel Jaziira oo ay ku shirsanaayeen Madaxweynaha cusub iyo Wafdi uu isaga hogaaminayay.





Comments
Render time: 0.05 seconds 4,940,598 unique visits Top