Cabsi xooggan oo ka jirta Dhuuso-Mareeb iyo bandow ka dhaqan galay
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Dhuusp-Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto cabsi dagaal oo aad uxooggan.
Cabsidan dagaal ayaa keentay in magaaladda ay bandow kusoo rogaan ciidamada Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gacanta ku haya.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xalay abaare 8 Fiidnimo uu bilowday bandow ay soo rogeen Maamulka magaaladda, waxaana xalay la arkayay ciidamo badan oo howlgalo ka samaynaya magaaladda.
Taliyaha kuxigeenka ciidanka ammaanka ee Dhuusamarreeb, Nuur Maxamed Cilmi ayaa sheegay in ay ka warhelen amaan xumo la doonayo in laga fuliyo gudaha magaalada taasna ay keentay in ay bandowga kusoo rogaan.
Waxaa jira warar sheegaya in Shabaab ay weerar ku yihiin magaaladaas oo marar badan ay ka dhaceen dagaalo gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Itoobiya ee kusugan qeybo kamid ah Galgaduud iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lasoo sheegayaa in dhankoodana ay diyaariyaan duulaan kadhan ah Shabaab-ka kusugan Ceel-Buur iyo qeyo kale oo Galgaduud katirsan.