MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Dani Alves: Waan Ka Xumahay Sida Real Madrid Ay ula Dhaqmeen Kaka
Daafaca Barcelona Dani Alves ayaa aad uga qeyliyey sida ay Real Madrid ula dhaqantay Kaka isagoo sheegay in haddii uu Barcelona ka tirsanaan lahaa aan sidaa loola dhaqmeen.

Ciyaaryahankii hore ugu guuleystay laacibka dunida ugu wanaagsan ayaa halgan ugu jirey in uu boos bilow ah ka helo Los Merngues illaa iyo 2009kii isagoo ay hareyeen dhaawacyo iyo inuusan si joogta ah u ciyaarin.

30-jirkan ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu u wareegayo AC Milan dhowaan waxana uu daaficii hore ee Sevilla uu sheegay in ninka ay isku wadanka ka soo jeedaan ay ku habbooneyd inuu isaga tago Santiago Bernabeu.

“Haddii aan Kaka ahaan lahaa, mar hore ayaan ka tegi lahaa Madrid,”ayuu u sheegay daafacan dhinaca midgeed Esporte Interactivo.

Alves ayaa sii hadlay waxana uu yiri:” sababtoo ah naftayda waxa ay jeceshahay ciyaarista kubbada cagta,haddii aad iga qaadid waxa aan jeclahay,dareenka nolosha oo dhan ayaa iga lumaysa. Waan ka xumahay sababtoo ah waan jeclahay Kaka mana jeclaan lahayn in aan ku noolaado waxa ku dhacaya isaga,”

“Waxa uu gaaray heer aysan dad badan gaarin, laacibka dunida ugu wanaagsan, haddana wax xushmad ah kuma haysto milkiiilayaasha Real Madrid. Waxaan u malaynaa in sida lagula dhaqmayo uusan kala kulmi lahayn Barcelona.”ayuu sii raaciyey

Daafacan 29jirka ah ayaa waxa uu ka hadlay tababarihi hore Barcelona Pep Guardiola waxana uu ku tilmaamay in uu yahay tababare wanaagsan oo uu wax badan ka faa’ideystey intii uu la joogay Barcelona.
Comments
Render time: 0.18 seconds 4,547,294 unique visits Top