Maamulka Puntland oo ku baaqay in lasoo magacaabo Ra段isul aan xil horay dalka uga soo qaban
Maamulka Puntland ayaa ka hadlay soo magacaabista Ra段isul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya oo lagu wado dhawaan inuu soo magacaabo Madaxweynaha dalka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka wasaarada dekadaha maamul Gobaleedka Puntland C/shakuuur Mire Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay Ra段isul wasaaraha Soomaaliya loosoo magacaabayo inuu noqdo mid ku cusub maslaxa siyaasada dalka Soomaaliya.
C/shakuuur Mire Aadan ayaa dhanka kale sheegay inuu ugu baaqayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu keeno Ra段isul Wasaare sidiisa oo kale saaxada siyaasada Soomaaliya ku cusub.
Wuxuu sheegay in aan loo baahneyn in dib loosoo celiyo rag xilal horay uga soo qabtay Soomaaliya balse sida uu sheegay aysan wanaagsaneyn taasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo Ra段isul Wasaare ay yeelato Soomaaliya kaasi oo soo dhisa xukuumad dalka Soomaaliya ka hana qaada waxaana dadka indha indheeya siyaasada Soomaaliya iyo shacabka intaba ay u dhaga taagayaan qofka Ra段isul Wasaare loosoo magacaabi doono.