Wararka haatan naga soogaaraya Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in haatan uu halkaasi dagaal kasocda kaas oo ah mid xoogan oo ay ka qeebqaadanayaan Diyaarado dagaal.
Dagaalkaan ayaa waxa uu u dhexeeyaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ay kaabayaan Ciidamada Dowlada Kenya iyo kuwa Xoogaga Al-Shabaab waxaana uu yahay dagaalkaan mid xoogaan oo geestay qaaso kala duwan.
Dagaalkaan ayaa waxa uu ka socdaa xoogiisa degaanada Biibi iyo Harboole halkaas oo ay kuwada dagaalamayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa Dowlada Kenya iyo dhanka kale oo ay ka soojeedaan xoogaga Al-Shabaab.
Degaanka Harboole ayaa waxa uu qiyaastii u jiraa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose 70-km.
Wararka ayaa waxa ay sidoo kale ay sheegayaan in labo diyaaradood oo ka qeebqaadanaayay dagaalkaan mid kamid ah ay soorideen xoogaga Al-Shabaab diyaaradaan ayaa waxaa la tilmaamay inlaga leeyahay Dalka Kenya kuwaas oo dagaalkaan ka qeebqaadanaayay.
Macada ilaa iminka qasaaraha sookala gaaray dhinacyadaan kuwada dagaalamay halkaasi iyo waliba qasaaraha rasmigaa ee ka dhashay diyaaradaan ay soorideen Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada Dowlada ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faafaahin kabixiyaan halka uu maraayo dagaalkaan iyo diyaaradaam ay soorideen Al-Shabaab.
Dhanka kale Xasan Yacquub Cali oo Xoogaga Al-Shabaab u qaabilsan Gobolada Jubooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aysan dhankooda wax faafaahin ay aysan ka bixineen hasa yeeshee ay dib kasoosheegi doonaan.