Kaddib markii dhawaan maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in ay bilaabatay diiwaagelinta axsaabta ayaa madaxweynaha maamulkaas Cabdiraxman Maxamuud Farole sheegay in isaga iyo rag ka tirsan xukuumada ay sameyn doonaan xisbi siyaasi oo ka qeybgala doorashada maamulka Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa maalmahan kulamo gooni gooni ah waxa uu isaga iyo xubno ka mid ah maamulkiisa ay la qaadanayeen mas’uuliyiinta Puntland waxana ugu dambeeyay kii shaley ay la qaateen gudoomiyaasha gobollada ,maamulada degmooyinka iyo taliyaasha ciidamada booliska.
Warar lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland uu hadda isbaheesi weyn la yeeshay ku-xigeenkiisa Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac ,wasiir ku xigeenka Amniga Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil iyo kuwa kale.
Madaxweynaha ayaa dhawaan waxa uu shaqadii ceyriyay dhowr wasiiro oo ay ka mid tahay Caasho Geelle oo tan iyo maamulkii kan ka horeeyay ahayd Wasiirka Hormarinta Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa goobta ka sheegay in xukuumadiisu xisbi sameyn doonto islamarkaasina ay ka qeyb qaadan doonto maamulada dalka si looga gudbo nidaamka qabiilka oo Puntland ka jirtay tan iyo afar tobankii sano ee la soo dhaafay.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntlad Maxamed Xasan Barre ayaa shegay in Puntalnd laga hirgaliyay nidaamka axsaabta, taasoo ah mid ka dhigeysa in Puntland ay horrey u sii kacday.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in furitaanka axsaabta aan lagu abuurin jahawareer ee cid kasta oo maamul axsaab furaneysa ay ka shaqeyso hormarinta Puntland.
Deegannada Puntland ayaa waxa hadda ka bilowday isbaheesi taasoo loogu diyaar garoobayo doorashada soo socota.