(DAAWO VIDEO) Hooyo xaamilo aheyd oo lagu kufsaday kadibna lagu dila dalka South Africa
Gabar Soomaali ah oo lahayd uur sagaal bilood ah ayaa lagu dilay Magaalada Port Elezaberth ee dalka Koonfur Africa ka dib markii kooxo huubeysan ay u galeen guriga ay ka deganeed magaaladasi.
Taqaatiirta South Africa ayaa cadeeyey inta aanan la dilin gabadha In la kufsaday isla markaana ay rag badani ay arintani ku kaceen iyagoo markii danbe u yeeray Booliska daabaca faraha kuwasi oo iyagane sheegay in ay heleen faro rag ah isla markana la baarayo cida yihiin iyo meesha ay ku nool yihiin.
Waa dhacdo xanuun badan isla markaana noqonaysa tii labaad ee kufsi lagula kaco haweeney Soomaaliyeed iyadoo Soomaalida K/Africa ay weli xasuustaan Hooya Soomaaliyeed iyo Sedex caruur ah ay dhashay sidani oo kale lagu Sameeyey isla magalaada ay hadda dhibka ka dhacay ee ah Magaalada Port Elezaberth.
Hadaba qaar ka mid ah madaxda Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa oo aan kula kulanay Cape Town ayaa sheegay in ay aad ugu xunyihiin isla markaana fariin u diray Dowlada South Africa iyo Tan Soomaaliya.
Gudoomiyaha Jaaliyada Banaadirada ee South Africa Muuse Muude Afrax ayaa sheegay in ay aad ugu xunyihiin isla markana dadkii sameeyey falkaasi aanan sinaba looga hari doonin sidoo kale Maxamed Cabdi Maalin oo ku magacdheer Sanka kana mid ah Madaxda Jaaliiyada ayaa dowlada South Africa iyo Tan Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabtaan falalkani soo noqnoqonaya isla makrana xadka kasii baxaya maadaama loo soo dhigtay hablaha Soomaaliyed.
Si kastaba ha ahaatee Soomaalida Koonfur Africa ayaa maalin kastaba maqlaya ama arkaya wax ku cusub isla markana ka niyad jabay joogitaanka dalkani.