MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(Daawo Video) Jaaliyada Gobolka Sool Ee Ku Dhaqan Wadanka Biljan Oo Deeq Soo Gaadhsiiyey Cisbitaalka Dhexe Ee Magaalada Laascaanood‏
Jaaliyada u dhalay Gobolka Sool ee ku dhaqan Wadanka Biljan ayaa deeq lacageed soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Dhexe ee Magaalada Laascaanood, iyadoona deeqdaasi ay u soo wakiisheen Maxamuud Cige oo kamid ah Jaaliyada Wadanka Biljan. Maxamed Cige ayaa deeqdani ku wareejiyey Sheekh Cali C/ Nuur Xaashi (Cali Dheere) oo kamid ah ganacsatada ku dhaqan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Deeqdan oo ka koobnayd 500 oo Doollar ayaa waxa dadka bukaan jiifka ah ee ku jira Cisbitaalka Dhexe ee Magaalada Laascaanood loogu iibiyey 32 furaash oo ay ku jiifsadaan dadka bukaan jiifku. Hadaba waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay Sheekh Cali C/ Nuur Xaashi (Cali Dheere) oo ah mas'uulka loo xil saaray inuu deeqdani gaadhsiiyo dadka bukaan jiifka ah, isagoona u mahad celiyey cidii soo dirtay deeqdani.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood Dr. Ismaaciil ILkacase, isagoona si weyn usoo dhoweeyey deeqdani isla mar ahaan taana sheegay in xiligan loo baahan yahay in dadka bukaan jiifka ah ee ku jira Cisbitaalka laga taageero dhinacyo badan maadaama ay jirto baahi aad u weyn.

Hadaba muuqaalka deeqdani iyo sida loo gaadhsiiyey Cisbitaalkaba Halkan Hoose Ka Daawo.

Si kastaba ha ahaatee deeqdani ayaa qayb ka noqonaysa deeqo kala duwan kuwaas oo dhamaantood jaaliyada kasoo jeeda Gobolka Sool ay soo gaadhsiiyeen Cisbitaalka Dhexe ee Magaalada Laascaanood iyo waliba dadka bukaan jiifka ah ee iyagu ku jira Cisbitaalka.

Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Xafiiska Wararka Ee Saafifilms.com
Buuhoodle Soomaaliya
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,488,363 unique visits Top