Meydka Askarigan ayaana Maanta lagu arkay Deegaanka Xaawo Cabdi isaga oo xiran Dareeska Ciidanka Dowlada lagana jaray Qoorta oo la agdhigay Madaxiisa sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen.
Goob joogayaashan waxa ay ku warameen in Askarigan qoorta laga jaray lagala dagay Gaari Shacab uu saarnaa xili uu ku socdaalayay inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye .
lama oga ilaa hada cida Askarigan Qoorta ka jartay Meydkiisana soo dhigtay Deegaanka Xaawo Cabdi ,Waxaana Maanta Meydka Askarigan loo soo qaaday Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed ee Villa Byadhabo