KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(DAAWO VIDEO) Safar uu Muqdisho ku imaan lahaa Faroole oo la baajiyey iyo isku shaandheyn uu ku sameeyay Golaha wasiirada Puntland
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shalay isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada ee xukuumaddiisa, iyadoo qaar ka mid ah golihii hore ee wasiirada ay boosaskoodii waayeen, halka kuwo kalena loo bedelay boosas cusub, lagana qaaday boosaskii ay horay u hayeen.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Faroole ayaa waxaa lagu sheegay in la isku shaadheeyay golaha wasiirada Puntland, waxaana xubnaha boosaskooda waayey ka mid ah:- Caasho Geelle Diiriye wasiiraddii haweenka, waxaana booskeeda lagu bedelay gabar lagu magacaabo Xaliimo Xasan Xaaji Cismaan, Axmed Cali Askar wasiirkii warfaafinta oo isna waayey xilkiisii, waxaana lagu bedelay nin lagu magacaabo Maxamuud Caydiid Ibraahim, sidoo kalena dadka xilalka waayey waxaa ka mid ahaa Xasan Faarax Jaamac {Geerash} wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, iyadoo lagu bedelay nin lagu magacaabo Cali Axmed Gamuute oo horey u ahaa wasiirka duulista hawada.

Sidoo kale waxaa booska baneeyay xubnaha kala ah:- Cali Saalax Aadan, Cabdi Yaasiin Maxamed, Maxamuud Faarax Maxamuud iyo Faarax Seed Cilmi oo dhamaantood ahaa wasiir ku xigeeno iyo wasiir dowlayaal, waxaana xilalkooda loo daayey oo aan isku dhaandheynta ka badbaaday wasiirada kala ah:- wasiirka arrimaha gudaha Gen C/laahi Ilka-jiir, wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan, wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa, wasiirka maaliyadda Faarax Cali Shire, wasiirka caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage iyo wasiirka qorsheynta Daa’uud Maxamed Cumar.

Dhinaca kale safar uu maanta ku imaan lahaa magaalada Muqdisho Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa la sheegay inuu baaqday, iyadoo la sheegay in bedelkiisa uu imaanayo wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo ka qeybgeli doona caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.


Comments
Render time: 0.05 seconds 4,945,769 unique visits Top