MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
DAAWO MUUQAAL:Ciidamada Midawga Yurub oo Askarta Dawlada si Live ah u baraya Liifka kana saaciday baahidii aqoon laŽaanta..
Ciidamada Midawga Yurub ee ka hoowl gala badaha Somalia ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay si weeyn u Tababaraan Maleeshiyaadka ciidamada Dawlada kuwaas oo ka caawiya dhinacyo badan gaar ahaan dhanka Hubka iyo Askarinimada.


Maleeshiyaadka daacada u ah Dawlada Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxaa lagu soo tababaraa dalka Ugandha halka qaar kale si toos ah loogu tababaro gudaha dalka Somalia.

Ciidamada Midawga Yurub kuwooda ka hoowl gala Biyaha Somalia ayaa waxaa loogu yeeraa magaca ah European Training Mission in Somalia (EUTM) waxeeyna Dawlada Soomaaliyeed ka caawiyaan dhanka baahida loo qabo Ciidamo soo celiya amniga iyo kala dambeeynta.

Ciidamada (EUTM) oo ka kooban dalalka ugu Tunka weeyn Qaarada Yurub ayaa hadane waxaa Ciidamada Dawlada aad u tababaro Ciidamada ka socda dalalka Finland , Germany ,France iyo Spain. Qaar ka tirsan Maleeshiyaadkii la tababaray ayaa waxa ay afkooda ku qirteen in ay markii hore Qoriga iska wadan jireen balse hada laga soo dhigay Askar buuxdo oo dhanka Ciidamada ku wanaagsan .

Maxamed Shiiraar iyo Cali Kuuloow Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliyeed ee la soo tababaray ayaa waxa ay goobta Tababarka ka cadeeyeen in ay Mustaqbalka dhaw si wanaagsan ugu shaqeeyn doonaan shacabka Soomaaliyeed weliba dalka ka difaaci doonaan Cadawga ku soo duulay ee dadka iyo duunyadaba Qarxinaya.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,574,478 unique visits Top