MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Oday Soomaali ah oo isku dilay magaalladda Dubai iyo Sababta uu isku dilay oo lasoo ogaaday.
Taliye-xigeenka Boliska ee magaalldda Dubai ee dalka Iimaaraadka Carabta, Sarreeye Gaas Matter Khamiis Al-mwzaina, ayaa shaaca ka qaaday inay soo af-jareen baaritan ay ku hayeen sababihii uu isku dilay Nin u dhashay dalka Somalia, kaasi oo bishii hore ee November 27-dii is-dilay.

Sarkaalku, waxa uu xusay inay ogaadeen inuu Odayga Soomaaliga ee is-dilay ay la soo gudboonatay xaallad dhaqaale-xumo, kadib, markii uu in muddo ah Xabsiga ku jiray.

0daygaasi oo da’diisa laguqiyaasay 62-jir ilaa 68-jir ayaa waxa uu iska soo tuuray Dabaqa Afaraad ee Hotelka Gloria oo ku yaalla magaalladda Dubai, wuxuuna isagoo mayd ah ku dhacay waddada hareer marta Hotelkaasi, oo ku dhow Dubai Internet City.

War laga soo xigtay Boliska magaalladda Dubai ayaa sheegay in 0daygaasi uu is-dilay, iyadoo uu Reerihiisa ka waayey wax taageero ah, si uu u helo dhaqaale uu noloshiisa ku maareeyo.

Warbixinta ayaa lagu xusay inuu 0daygu isku-dilay dhaqaale-xumida soo wajahday, isla markaana uu u arkay inuu dhibkaasi kaga bixi karo inuu is-dilo.

Waa falkii labaad ee noocaasi ah oo ka dhaca Dubai muddo isbuuc gudaheeda ah, iyadoo Muwaadin kale oo u dhashay dalka India uu is-dilay, kadib, markii uu culays kala kulmay Shirkaddii uu u shaqeynayey.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,570,383 unique visits Top