SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Dad Qoys kasoo Wada Jeeda oo Xalay Lagu Laayeye Gobolka Mudug iyo Xiisad ka Dhalatay Arintaasi oo Saaka la Dareemayo
Kooxo maleeshiyaad hubeysan ah ayaa waxay xalay weerar ku qaadeen guri ay deggenaayeen dad rayid ah oo kuyaalla deegaanka Bacaadweyne halkaasi oo dhimasho iyo dhaawac intuba ka dhashay waxaana lagu soo waramayaa in maleeshiyaadka falka geystay sidoo kale dad kaxeysteen.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa la sheegay inay halkaasi ku dileen seddex qofood,dhaawac ilaa labo qofood ah iyo seddex qofood oo la qafaashay dhamaantoodna ahaa kuwo isku qoys ah.

Dadka dhintay ayaa waxa ku jira aabihii qoyskaasi iyadoo ilaa hadda aan si cad loo sheegin waxyaabaha ka dambeeya arintaasi iyadoo xiisad ay ka taagan tahay saaka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Qoyska la laayey ayaa waxa la sheegay inay ahaayeen Xoolo dhaqato waxaana loo maleynayaa in aano qabiil loo beegsaday waxaana meydadka saaka lagu wadaa in halkaasi lagu aaso halka dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday cusbitaal kuyaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Falalka aanooyinka qabiilka waa mid kusoo laabtay deegaanka Bacaadweyn iyo tuulooyinka kale ee hoostaga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug hayeeshee dhowr jeer oo falal ceynkaasi oo kale ay dhaceen xal nabadeed laga gaaray dibna iminka loo dareemayo inay usoo laabteen.

Xaalada deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa saaka waxa laga soo sheegayaa xiisad ka dhalatay dilalki iyo dhibaatadii xalay ka dhacday deegaanka Bacaad weyn waxaana dadka qaarkood ay ka cabsi qabaan inay dagaal qabaa’il uu ka dhaco halkaasi.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,957,827 unique visits Top