Sida ay ku waramayaan dadka ku dhaqan degmada Cusub ee Kaxda magaalada Muqdisho waxaa xalay weerar xoogan ku qaaday halkaasi ciidamadii laga isbaarooyinkii ay dhac iyo dil intuba ka geysteen halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa waxay sheegayaan in ciidamo hubeysan kuna labisnaa dareeska Dawlada Somaliya ay dhac ballaaran xalay ugeysteen dadka ku dhaqan xaafada Dhakaaje ee laanta Barwaaqo degmada Kaxda iyagoo ka qaatay mobilada iyo lacagihii ay wateen.
Sidoo kale ciidamadaasi waxay dil ugeysteen haweeneyn Uur lahayd kadib markii ay ka biyo diiday kufsi ay doonayeen ciidamada inay ugeystaan haweynda taa oo keentay in goobtaasi lagu khaarajiyo.
Gudoomiyaha Degmada Kaxda C/wali Yuusuf Cumar ayaa isagu waxa uu sheegay in degmada uu gudoomiyaha ka yahay labo dhibaato ay isku heysato kuwaaso ku kala sheegay Al shabaab iyo ciidamada Dawlada ee dadka dhibaateeya sida kuwii xalay dhaca iyo dilka ka geystay degmadaasi.
“Degmada malahan ciidamo boolis ah oo amaanka suga,waa run xalay degmada kaxda waxaa ka dhacay arin fool xun,ciidamo dareeska dawlada ku labisan ayaana dhibkaasi geystay ayuu yiri gudoomiyaha degmada Kaxda”.
Tan iyo markii madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud uu amar ku bixiyey in la qaado isbaarooyinka lacagaha baada ah looga qaadayey ayaa waxii waqtigaasi ka dambeeyey soo kordhay dhibaatooyin dadka rayidka ah loogeysto.