Qarax Lagu Weeraray Ciidamada Dawlada oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Fariisimo Ciidan oo Degmada Heliwaa la Weeraray
Waxaa qarax bambaano lagu weeraray degmada yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Carafaat goob ay kusugnaayeenciidamo katirsan dawlada Somalia.
Qaraxa oo ahaa nuuca gacanta laga tuuro ee F1-ta loo yaqaano ayaa waxa lagu tuuray guri ay deggenaayeen ciidamo la sheegay inay Nabad sugida dawlada katirsanaayeen taasi oo la ogeyn khasaaraha ka dhashay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Kooxo hubeysan ayaa waxa qarax bambaano ku weerareen ciidamadaasi Nabad SUgida dawlada waxaana la sheegay in rasaas ay fureen qaraxa kadib ciidamadii la weeraray walaw aan khasaaro lasoo sheegin.
Ma ahan markii ugu horeysay oo degmada Heliwaa ay ka dhacaan weeraro nuucaan oo kale ah waxaana dhowr jeer dagaalo ka fool ka fool ka dhaceen degmadaasi khasaaraha ugu badanse waxa uu soo gaaraan waxa uu soo gaaraa dadka shacabka ah.