KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Digniin u Jeediyay kooxaha Falalka Amaandari ka Wada Muqdisho
Raysal Wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isagoo digniin adag u jeedinayay dadka inta badan falalka amaandari ka wada dalka Soomaaliya waxa uu sheegay in burcadaasi lagu qaban doono gacan bir ah oo ka dabadag leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu timaamay in dadka falalka amaandari ka wada Muqdisho ay doonayaan in ay iska horkeenaan ama ay isku diraan dadka shacabka ah iyo Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya si markaasi ay kaga aamin baxaan,waxa uuna ku baaqay in dadkaasi baadi goobka loogu jiro gacanta lagu soo dhigo ay wajihi doonaan ciqaab adag.

“Dadka madaafiicda soo tuuraya waxa ay rabaan inay shacabka iyo Dowladda iska horkeenaan anaga marnaba taasi ma aqbalayno umana dulqaadaneyno”Ayuu yiri Saacid.

Waxa uu dhanka kale uu sheegay Rayalwasaaraha Soomaaliya si loogu guuleysto kooxahaasi loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed ee nabad doonka ah ay la shaqeyaan ciidamada amaanka ee har iyo habeen howlgalada ka wada Degmooyinka Muqdisho.

Hadalka Cabi Faarax Shirdoon ayaa imaanaya iyadoo mudooyinkii danbe ay sii kordhayeen falalka amaandari ee ka jira magaalada Muqdisho.
Comments
Render time: 0.04 seconds 4,946,282 unique visits Top