MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
AL-Shabaab oo Sheegay in Ciidamo Badan oo Puntland ah ay Laayeen
Afhayeenka dhanka Dagaalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal ciidamada Shabaab ay kula galeen buuraha galgala ciidamada maamulka Faroole.

C/casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Shabaab ay dileen ciidamo badan oo ka tirsan maamulka faroole islamarkaana qaar ay ku dileen dagaal fool ka fool ah halka sidoo kalena qaar kale ay ku dileen miino ay dhulka ugu aaseen.

Wuxuu sheegay in dagaalka dhexmaray ciidamada Shabaab iyo ciidanka Faroole ay halkaasi ku dileen ciidamo gaarayaa ilaa 8-askari oo ka tirsan ciidanka Faroole halka sidoo kale ay dileen 12-kamid ah ciidanka kuwaasi oo saarnaa gaari gurmad ahaan usoo aaday.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay inay ciidanka Puntland kala wareegeen xero ciidan oo ku taalo halka uu dagaalka ka dhacay inkastoo ay dib uga baxeen sida uu sheegay.

Dhankooda ayuu sheegay in khasaaraha soo gaaray uu gaarayo ilaa afar ka tirsan ciidamada Shabaab oo dagaalkaasi kaga shahiiday sida uu sheegay C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka Al-Shabaab.

Dhanka Puntland war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan Shabaab dagaalkaasi lagu dilay.

Labada dhinac ayaa waxa ay kala sheeganayaan guulo balse warar madaxbanaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada Puntland qarax looga dilay 12-kamid ah ciidankaasi.
Comments
Render time: 0.02 seconds 4,491,635 unique visits Top