Sargaalkii ugu sareeyay Hay’ada FAO ee Baydhabo oo goordhow gurigiisa laga baxay
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in goordhow gurigiisa laga baxay Sargaal katirsan Hay’ada dhanka beeraha uqaabilsan QM ee FAO loo yaqaan.
Ciidamo la sheegay inuu hogaaminayo Taliyaha qeybta booliska ee magaalada Baydhabo ayuaa guriga kala baxay sargaalkan katirsan Hay’ada FAO oo ah Nin Soomaali ah.
Wariye kusugan Baydhabo ayaa sheegay in Ninkan gurigiisa lagala baxay lagu magacaabo Idiris Cabdi Dogtor, waxaana la ogayn sababta ay ciidamadaas ula baxeen Sargaalkan.
Xariiro kala duwan oo aan la samaynay magaalada Baydhabo gaar ahaan saraakiisha gobolka iyo kuwa maamulka magaalada ayaanan inoo suura gelin.