DAAWO VIDEO-Puntland Oo Ka Hadashay Dagaalo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac
Galgala oo qiyaastii ahaan u jirta 40 km dhinaca koonfur-galbeed magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada darawiishta Puntland. iyo Shabaab .
Maamul goboleedka Puntland ayaa saakay war-saxaafadeed uu ka soo saaray dagaalka u dhaxeeya waxa uu ku sheegay inay ciidankooda iska caabbiyeen weerarka uga yimid dhinaca Al-Shabaab.
Waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedkan inay koox aad u hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab xalay 11:00 PM dhowr jiho oo kala duwan ka weerartay cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland oo ku sugnaa meel u dhow deegaanka Galgala waxaa la sheegay inay ciidamadu iska caabbiyeen weerarka, iyagoo dilay toddobo ka tirsanaa Shabaab, isla markaana ay dhaawaceen 15 kale.
Maadaxda maamulka Puntland waxa ay sheegeen inay labo askari uga dhimatay dagaalka, halka toban kalena ay dhaawacmeen kaddib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo kale oo Puntland ka tirsan oo gurmad ahaan ugu socday halka uu dagaalka ka dhacay.
Maamulka Puntland ayaa aamisan in dad ka soo horjeeda siyaasaddeeda ay taageero iyo saanad milateri siiyaan al-Shabaab ee ku sugan buuraleeyda Galgala ee gobolka Bari.
Shabaab ayaan i weli ka hadlin weerarkii xalay ka dhacay tuulada Laag, Al-Shabaab ayaa sida la sheegay muddooyinkii danbe isku urursanayey buuraha Golis, halkaas oo sanadkii 2010 dagaal looga saarey
Waxaana weerarkan ku soo beegmayaa xili uu magaalada Boosaaso ku sugan yahay Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole