Deg Deg: mid kamid ah Nabadoonadii soo xulay baalamaanka Soomaaliya oo lagu toogtay Muqdisho
Kooxa Bastoolado kuhubeysan ayaa Muqdisho ku toogtay nabadoon Maxamed Maxamuud Yuusuf oo loo yaqaanno “Codey” kadib markii ay kuweerareen qeybo kamid ah koofurta Muqdisho.
Nabadoonka ladilay ayaa mid ahaa odayaashii 135 xubnood ee soo xulay guddigii ansixinta dastuurka iyo xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kuguuleestay in ay doortaan madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Maxamed Maxamuud Yuusuf ayaa weerarka lagu khaarijiyay waxa uu kadhacay xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir ee gobalka Banaadirsida ay xaqiijinayaan goob joogayaasha.
Raga dilka geestay oo aan lagaran ayaa kabaxsaday goobta ay nabadoonka kukhaarijiyeen sida lagu helayo wararka hodhaca ah
Waa nabadoonkii labaad ee katirsan odayaashii gacanta kageestay yagleelida dowladaan ee lakhaarijinayo, bishii 11-naad ee sanadkaan waxaa degmada Waaberi lagu dilay Malaaq Isaaq Kuus oo ka mid ahaa odayaadhaqanka ee wax ka soo xulay baarlamaanka.