MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(Dhagayso) Wufuudii Maalintii Shalay Kasoo Dagay Garoonka Diyaarada Ee Degmada Taleex Oo Ka Hadlay Waxyaabo Badan Baaq Culusna U Diray Maamulada Somaliland Iyo Puntland‏
Waxaa maalinimadii shalay ahayd abaara 2:15 pm galin dambe si nabad galyo ah uga dagay garoonka diyaaradah ee Degmada Taleex Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo isagu dhawaan laga hirgaliyey Degmada Taleex ee Xarunta haatan u ah Maamulka Khaatumo wufuud ay hogaaminayaan qaar kamida Isimada Deegaanada Sool,Sanaag, iyo Cayn iyo Wasiirka Amniga ee Maamulka Khaatumo Maxamed Ducaale Cabdi ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey Degmada Taleex, iyagoona soo dhaweynta wufuudani ay kasoo qayb galeen Madaxweynayaasha Maamulka Khaatumo, Qaar kamid Gollaha Wasiirada ee Maamulka Khaatumo, Cuqaal, Waxgarad, Siyaasiyiin, Culumo awdiin, Haween, Dhalinyaro, iyo Bulsha weynta ku dhaqan Degmada Taleex.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo kamid ahaa wufuudani oo halkaasi ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday sida uu ugu farax san yihiin diyaarada ay saaran yihiin oo markii ugu horaysay soo caga dhigata garoonka diyaarada ee Degamada Taleex, isagoona Garaadku fariin gaar ah u diray madaxweyne Faroole.

Madax weynaha Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa geestiisa si weyn u soo dhoweeyey soo noqoshada wufuudani iyo diyaaradii ay saar naayeenba oo ah midii ugu horaysay ee soo caga dhigata garoonka diyaarada ee Degamada Taleex tan iyo markii la daah furay.

Ugu dambeyntii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa si kuluul ugu hadlay dagaalkii dhawaan ku dhex maray duleedka Degmada Xudun ee Gobolka Sool Maamulada Khaatumo iyo Somaliland, isagoona Garaadku ugu baaqay Maamulka Somaliland in ciidamadooda ay kala baxaan guud ahaanba Deegaanada Khaatumo. Hadaba Warbixin gaar ah oo aan ka diyaarinay soo dhoweynta wufuudani Halkan Hoose Ka Dhagayso.

Halkan Ka Dhagayso
HALKAN KA DHAGEYSO

Isku soo wada duuboo wufuudani ayaa bilihii hore ee sanadkan u kicitimay Magaalada Muqdisho si ay uga soo qayb qaataan dhisida Dowladda cusub ee haatan, iyagoon ugu dambeyntii kusoo laabtay Deegaanadii markii ugu horeysay ka tageen.

Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Xafiiska Wararka Ee Saafifilms.com
Buuhoodle Soomaaliya
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,552,462 unique visits Top