Qoysas badan oo ku kala tegay Amarkii Madaxweynaha Somalia & ragga qarka u saaran in ay xaasaskooda faaruqaan oo soo badanaya.
Kadib markii markii uu amray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya laguna guuleestay in cagta lamariyo dhamaan isbaarooyinkii tixnaa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimda dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay in isbedel uu ku yimid nolosha isbaariistayaashii iyo waliba hab nololeedka qoysaskooda.
Waxaa iska caadi aheyd xilligii jid gooyooyinka lgacagaha xad dhaafka ah laga aruurinayay in xaasaska raga qoryaha lataagan wadooyinka dhexdooda ay qaadan jireen lacag biil ahaan loosiiyo oo aan loo xisaabin hasa yeeshee loo cantoobiyo, maadaama lacagtu aysan aheyn mid loo dhididay.
haweenka lagacta cantoobiska ah qaadan jiray ayaa iyana aan waxba kala reebi jirin oo maalinimo ka taqalusayay lacagta xad dhaafka ah ee seygeedu uu wadada uga soo qabanayay, hasa yeeshee wax waliba waxa ay isbedeleen markii ishii dhaqaalaha ee qoysaskaasi ay ku dhisnaayeen laduugay.
Haweenkii lacagta lagu keenay jid joog siga bartay waxaa soo wajahay in ay waayan qutulyoonka maalita ee caadiga ah waxa ayna sababatay in ay ragii anshax xumada baray ay kuleytiga uga dhegaan oo ay ku qabsadaan lacagihii ay uga barteen.
Isqaqabsigaasi waxa uu u gogol xaaray in Isbaariistayaashii awalba ka xumaa dhibaatada soo wajahday ee lacag la'aanta ah ee hadana loogu daray erayga xaafada uga soo horeeya ay si qeylada uga gabadaan ay furiin kala dul dhacaan xaasaskooda maadama aysan u
heyn wax ay siiyaan.
Arinta oo uun bilaaw ah oo isbuuc uun laga joogo xilligii isbaarooyinka qaadistooda labilaabay ayaa waxaa raga iyo dumarka qaar kartida yartaa lahaa ee hunguriga uun aan isku soo raacin wali ku adkeysanayaan in ay isla sii noolaadaan hasa yeeshee arintaasi waxaa caqabad aan laga soo waaqsan ku noqonaya lacagihii lagu feytaamayay ee shacabka laga soo aruurinayay iyaga oo aan raali ka aheyn oo hada meesha kabaxay.