SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Haweeneey Lagu Gawracy Hargeysa iyo Yaab ka Taagan Magaaladaasi
Sida ay kuwaramayaan dadka ku dhaqan magaalada hargeysa Ee Xarunta Somaliland ayaa waxay sheegayaan in xalay abaare 9:00 fiidnimo nin hubeysan uu fal dhaawac ah ugu geystay haweyney qaad walo ahayd.

Ninka falka geystay oo ahaa biro tume ah ayaa waxa lagu magacaabaa Siciid Muxumed (ina Cirro weyne) si weyna looga yaqaano magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Waxa uu fal dhaawac ah ugeystay haweyney qaadwalo ahayd oo lagu magacaabo Ardo Muumin waxaana arintaasi ay ka dambeysay markii ninkaasi oo ka careysnaa xisbigiisii laga awood roonaaday ay wax ka sheegtay.

ina Cirro weyne ayaa waxa la sheegay in mindida uu kaga gawracay Ardo caloosha,qoorta iyo gacanta waxaana dhaawac culus oo haweyneydaasi soo gaaray kadib isla xalay loola cararay cusbitaalka Magaalada Hargeysa.

Ninka Falka geystay ayaa isagu meeshii loo maleynayey inuu baxsado waxa uu isaga lugihiisa ku tagay saldhiga Booliska Ciidamada Somaliland ee Hargeysa waxaana uu sheegay in fal dambi ah uu galay in la xirana is amray.

Ciidamada Booliska Saldhiga Hargeysa ayaa xabsiga utaxaabay Siciid Muxumed oo ah ninkii falka geystay waxaana iminka socda baaritaano lagu hayo caafimaad ahaan sida maskaxiyan uu yahay ninkaasi.

Dadka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa waxay hadal hayaan dhacdadii xalay ka dhacday bartamaha magaalada Hargeysa ee ninka uu ku gawracay haweyneyda qaadka iibineysay inkastoo haweyneydaasi geeriyoon hayeeshee dhaawac culus iminka ujiifta cusbitaalka Hargeysa.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,955,968 unique visits Top