MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
RIYADEENI LABAAD ADIGAA RUMEEYN WAAYAY [-P1]
Marka horre Alle ayaa mahadleh. Aqristoow qofkastoo billi aadan ah wuxuu leeyahay qisooyin murugoleh ama farxadleh oo noloshiisa kulifaaqan. Anigoo ah Hanad waxaan jecleestay inaan idiin soo bandhiga qiso iga soo martay Internet-ka. Waxaan kunolaa dalka Kenya gaar ahaan magalada Nairobi. Waxaan ahaa wiil farxad badan waxbarto,shaqeesto,dhalinyaradiisa aay kuyaqaanaan farxad. Habeen habeenada kamid ah ayaan waxaan chatroom iska baranay gabar, gabartaas oo lagu magacaabo fardowso.

Fardowso waxa eey kunooleed dalka Masar ana waxaan kunolaa magalada Nairobi ee dalka Kenya. Barashadii fardowso wax badan ayaa iska keey badalay sababtoo ah waxeey iiga duwanaatay Gabdhihi aan horay netka iskaga baranay. Mudo hal isbuuc ah markaan si joogta ah hawada uga wada shekeeysanay ayaan is weeydaarsanay sawiradeena. Quruxda iyo heybada illaah kumaneestay fardowso maahan mid qoraal aan ku tilmaami karo. Taas waxaa usii dheereed bashaash nimada iyo daganaanta uu Alle uu uhibeeyay.

Isbarasho dheer kadib aniga iyo fardowso waxaan go’aan ku gaarnay inan xiriir wadaagno waxaana wada galnay axdi. Aniga iyo fardowso meeynaan daremeeyn kala fogaanshaha aan labadeena kala fognahay sababtoo ah waqti dheer ayaan maalin kasto kuwada qaadan jirnay online-ka inkastoo mararka qaar hiloowga xad dhaafka ah uu si dhab ah u taaban jiray qalbiga. Habeen habeenada kamid ah aniga oo guriga joogo dawanaayo cayaar oo waliba hal gool leeygu leyahay aana niyad jabsanahay ayeey fardowso isoo wacday salaan iyo iswareesi kadib waxeey igu tiri “Hanad aboowe aniga iyo adiga xiriirkeena masii socon karo ee iska keey illow” Alla naxdin weynaa! Waxaan ku iri “Fardowso abaayo maskaxdaada madagan tahay?’’

“haa Hanad, waxwalbana waan kasoo kafakaray’’ telephone­kiina weey jartay. Tv-ga ayaan iska damiyay murugta isoo foodsaartay ayaan iskudayay inaan iska baabiyo balse qof jeceel haayo ayaan ahaa ma´aanan helin wax aan niyadeeyda kuqancin karo balse illaah ayaan tallo saartay. Isla habeenkaas Abaarihi 11:00 fiidnimo ayaan wacay telephone kana weey iga qaban weeysay. Habeenkaas mar waan shalaaynayay marna niyada ayaan isku dhisaayay “waa aduune Hanadow usamir jeceelkaaga, una dulqaado marxaladan” ayaan markasto niyada iska oranayay .taas waxaa iisii dheereed foorjada asxaabteeyda iiga imaaneysay oo eey iishegayeen in hal gool leeyga badiyay. Nasiib wanaag marki danbe waxaa isoo wacay saxiibkeeyga qaaliga ah Abdullahi kadibna waxaan kacodsaday inuu ii yimaado “ Abdulaahi iigu imoow guriga” Abdullahi wuu ka warhayay jeceelka aniga iyo Fardowso naga dhaxeeyay. Markuu ii yimi aana wax walbo usheegay ayuu isku dayay inuu niyadeeyda dajiyo isagoo dhahayay “saxiib Hanad, Fardowso ineey kutijaabineeyso ayaa laga yaabaa ee murugta iska daa” mudo gaaban kadib Abdulahi wuu iga tagay.murug iyo mugdi ayaana habeenkaas wheel ii noqdeen. Maalinti danbe ayaan qadka ku arkay waan lahadlay balse iima eeysan jawaabin. Waan wacay telkana igama eeysan qaban “maxeey sidaan usameyneysaa fardwoso” ayaan nafteeyda weeydiiyay. kadib waxaan go’aan ku gaaray inaan waqti siiyo bal ineey iswareeysato oo eey ogaato qof eey axdi wada galeeyn ineey qalbiga kadhaawacday. Mudo hal isbuuc ah markaan sidi eheeyn ayeey habeen habeenada kamid ah isoo wacday waxeeyna iisheektay ineey kaxuntahay wixi dhacay. su’aalo badan oo aan isweydiinayay mid kamid ah baan weydiiyay “ abaayo maxaa kalifay balanti iyo axdigi aan wada galnay inaad sifudud ku burburiso ?” “Abowe waan xanaaqsanaa ee iska keey cafi” ayeey iigu jawaabtay. aniga waan yaabay waxaan is weydiiyay arinta sidan dhan uga xanaajisay fardowso iyo jeceelkeena sameeynta eey kuyelatay. “ Abaayo maxaa waaye dhibka kula soo gudbonaaday?” “ aboowe iskadaa hada waan kasoo gudubnay” beey iigu jawaabtay. runti aad ayaan uga xumaaday balse inleeskudaydo weey ila fiicnaan weeysay waxaana go’aansaday inaan ilaawo wixi dhacay iyo mugdigi eey fardowso igalisay. waxaana aad iyo aad ugu sii faraxsanaa madama eey fardowso iisoo laabatay. Waxbo yaan war kugu daaline mudo labo sano ah markii aan wada soconay ayaan go’aan ku gaaray xiriirka aniga iyo fardowso naga dhaxeeyo inaan caaalami kadhigo. Fardowso ayaan wacay si kadis ah ayaan kudhahay
“ Macaanto horay hadyad qaali ah ayaan kuusiiyay waana qalbigeeyga, kawaran maanta hadaan kusiiyo nolosheeyda oo dhan oo wax kamaqan eeysan jirin? ”
“alla macaane maanta maxaad isiin rabtaa?”
“macaney inaan is guursano ayaan rabaa”
“macaane weey fiican tahay lakiin waan kala fognahay”
“waan ogahay macaanto lakiin anigaa kuu imaanayo”
“macaane hada aniga guur diyaar uma ahi lakiin waan kujeclahay”

Runti nafteeyda meeysan sugeeynin jawaab nocaan ah ineey heleeyso balse jawaabtaas inaan helo waxeey eheed wax qoran. Nafteeyda walwal iyo cabsi ayeey saxiib lanoqotay waxaana dareemay cidlo tii usareeysay madama mataanti nafteeydi eey igu gacan seertay. Aduunka waxaa ugu macaan qofka aad isjeceshihiin aadna axdiga wada gasheeyn, inaad isku moowqif katihiin xiriirka idinka dhaxeeya, uuna yahay mid aad isku meel kataagan tihiin.

Arintaan daraasaad faro badan markaan kusameeyay waxaa isoo baxday jaceylka eey ii qabto fardowso inuusan lamid eheen kan aan aniga uqabo. Waxaana go’aansaday inaan iska samro balse Wixii intaas kadanbeeyay waxaan fardowso kadareemay isbadal, online markeey tahay ineey kacaga jiido wada hadalkeena mararka qaarna eeysanba xataa ila hadlin ama eeysan telka iga qaban markaan Waco. In mudo ah kadib waxaan maalin ku arkay inboxka warqad ka imaatay fardowso. Hadaladi ku qornaa warqada waxaa kamid ahaa

“hanad aboowe aniga go’aan ayaan gaaray go’aankaas oo ah inaan xiriirkeena meeshan kujoojino sababtoo ah adiga waxaad tahay qof mustaqbal diyaar u ah ana hada ma awoodo inaan labadeena isguursano arimo jiro awgood. Hamoodin inaan ku jecleen balse inaan waqtiga kaa dhumiyo marabo ” Naxdin weynaah! Murug iyo waqti mugdi badan ayaan dhaxda ugalay. balse waxaan nafteeyda ku qanciyay fardowso ineey tahay qof aad ufiican madama eey runta ii sheektay. Sikasto oo eey ahaato waan ilaawi waayay fardowso madama eey eheed jeceelkeeygi kowaad waxaana go’aansaday inaan Somaaliya iska aado bal inaan iska illaawo fardowso.ficilki kowaad aan qaaday, inboxka ayaan kawada tiray wixii xasuus ahaa ee aan kaheestay fardowso. 2007 bishi 8 ayaan muqdisho tagay.

Markasto waalidkeeyga waxaan dhihi jiray “hooyo iyo Aabo haleey duceeyo arin ayaa iheysato” nasiib wanaag illaah ducada waalidkeey waa aqbalay jeceelki aan uqabay fardowso waan iska ilaaway balse xasuusteedi ayaa qalbigeeyga katiri waayay. 2008 ayaan dib ugu soo laabtay Kenya anigoo faraxsan eeysana jirin wax caqabad ah oo igu taagan. Balse waxaa jirtay marar aan wici jiray fardowso sida ciidaha anigoo ugu hambalyeeynayo farxada ciida. Waqtiga wuxuu isguraba 2009 ayaan qadka isku araknay fardowso waxeeyna iisheektay ineey itoobiya joogto una timid leen dibadda ah waxeeyna iga qoratay namberkeeyga. Maalin ayeey isoo wacday waxeeyna igu tiri sawiradaada iigu soo dhiib gabar Kenya kasoo baxeeyso lakiin maanan ka ogolaan “abaayo sawiro hada mahaayo lakiin waankusoo dhiibi donaa” waa duni aaquru samaan ahe waqtiga kaalay sheek xawaaraha uu kusocdo 2012 ayaan aniga iyo fardowso ku kulanay Magalada Nairobi. Xaafadeeyda ayaan ku casumay, maalintaas wuxuu qofba qofka kale weeydiiyay su’aalo aan xisaab laheen. Inti aan fardowso wada joogtay waxaan galay xasuus, anigoo qoslayana waxaan niyada iska dhahayay “qoftaan adiga ayaa laguugu tala galay”.

Maalintaas xaafadeeda ayaan dib ugu kuceliyay waxaana sameeysanay balan kale si aan u kulano mar labaad. Aqristoow balanti labaad intaan lagaarin ayaan go’aansaday inaan fardowso nolosheeyda dib ugu soo celiyo maadaama eey iisheektay hada wax xiriir ah ineeysan faraha kula jirin. Arrintaas waxaa si buuxdo iigu dhiiro galiyay dareenkeeyga ayadoo nafteeydana aan kadareemayay ineey ubaahantahay marlabaad wehelka fardoowso. Kulankeeni labaad ayeey fardowso igu ballamisay xafadooda.
LASOCO QEEYBTA LABAAD


W/Q -Mahad Abdi Hassan

-Mahad Sin Khan-
Mahatabdi5@hotmail.com
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,575,845 unique visits Top