War Deg Deg Ah Dab Xoogan oo goordhaw ka kacay Suuqa Magaalada Kismaayo iyo Xaalad Jahwareer ah oo Suuqa ka taagan
Waxaa Goordhaw Dab xoogan uu ka kacay Suuqa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada gaar ahaan Qeybta Shidaalka lagu iibiyo.
Dabka ayaa ah mid wali soconaya waxaana uuna ka soconayaa Qeybta lagu iibiyo Shidaalka Waxaana lagu soo waramayaa in dabku sii xoogeesanyo uuna kusii fidayo goobo hor leh.
Warar kala duwan ayaa kasoo waxa uu ak dhashay Dabka hada ka soconaya Qeyb kamid ah Suuqa Kismaayo warar ayaana sheegaya in uu ka dhashay Sigaar halka warar kalana sheegayaan in Koronto ka kacday in kastoo aan la xaqiijin karin wali waxa rasmiga ah ee dabka dhaliyay.
Xaalada Suuqa Kismaayo gaar ahaan halka uu dabku kasocdo ayaa waxaa kajira jahwareer iyadoona dadka qaarkii bilaabeen in alaabhooda kala baxaan Suuqa si ay uga bad baadsadaan dabka xoogan ee kasocda Suuqa Kismaayo.
Maamulka AL-Shabaab ee Magaalada Kismaayo ayaa isku dayaya in ay uga yaraan dabka baqtiijiyaan si uusan ugu sii fidin goobo hor leh una geesay waxyeelo nafeed iyo waliba mid maaliyadeed.