DAAWO MUUQAALKA:Laba Wiil oo saaxiibo ahaa oo markii dambe ay noqday walaalo kala dhumay oo kala maqnaa In Mudda ah
Laba wiil oo saaxiibo ahaa oo ku nool dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay markii dambe ay noqdeen walaalo kala dhumay oo kala maqnaa oo aan aqoon isku lahayn arintaas oo wiilashaas ku reebtay farxad weyn oo aanaysan maleysan karin
Isaac Nolting oo 12 sano jir ah iyo walaalkiis ay isku hooyada yihiin oo lagu magacaabo Dakotah Zimmer oo asagana 13 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay ku kulmeen xarunta dabaasha ee ku taal magaalada Washington, Missouri ee dalkaas Mareykanka halkaas oo uuna ku dhex marey kaftan iyo fara kacayaar iyagoona isku shubey biyihii ay ku dabaalanayeen islamarkaana uu midba kan kale kula kaftamay inuu asagu bilaabay, Laakiin qaar ka mid ahaa asxaabtooda oo ku sugnaa goobtaas lagu dabaalanaayey ayaa waxaa ay la yaab ku noqotey sida ay labadaas wiil isugu ekaayeen ayagoona ku tilmaamay inay u dhaqmaayaan sidii walaalo oo kale inay yihiin islamarkaana ay si aad iyo aad ah ay isugu ek yihiin oo ayna is shabahaan wiilahsaas, Wiilahaan oo ahaa isku hooyo ayaa mid ka mid ah waxaa yaraantiisii la wareegay oo soo korsaday haweeney kale taas oo u arkaayey inay hooyadiis tahay, halka walaalkiisna ay heysatay ayeeyadiis oo uuna la soo noolaa waligiis, Laakiin arinta la yaabka leh ayaa waxay tahay iyadoo wiilashaas oo ku nolaa meelo aad iyo aad isugu dhow ay hadana mudadaas intaas le'eg aysan wax aqoon ah isku lahayn ilaa iyo dhawaantaan oo ay kulmeen ka dibna uu mid aka mid ah wiilashaas uu weydiiyey hooyadii soo korsatey inuu jiro wiil la dhashay taas oo u xaqiijisay jiritaanka wiilkaan walaalkiis ah oo ah da'ada ka weyned asaga.
Ugu dambeyntiina iyadoo wiilashaas saaxibada ahaa oo hadana ogaaday inay walaalo yihiin ay hada yihiin kuwo si aad iyo aad ah isugu dhow oo waqti badana isla qaato, ayaa hooyada shashay wiilashaan oo ahayd qof aad u da'a yar xilligii ay dhalasay wiilashaas iyadoona markii uu dhashay wiilka labaad ee ay reerku soo korsadeen ay hooyadaas jirtery 16 sano islamarkaana ay horey u heysatey wiilka weyn oo 1 sano jir ahaa taas oo keentay inay aqbasho in ay reerkaas korsadaan wiilkeed oo lagala wareego korintiisa ka dib markii ay hooyadaas qaaday uur sadaxaad, Hooyada dhashay caruurtaan ayaa waxay geeriyootey sanadkii 2007 halka sidoo kalena uu wax yar ka dib geeriyaaday aabahood, Wiilashaan walaalaha ah ayaa inkastoo ay nolol kala duwan ku soo kala noolaayeen ayaa hadana waxay u muuqdaan siday isula qabsadeen dad waligood guri kaliya ku soo wada noolaa oo meel qurana ku soo wada korey.