Raizul Wasaraaha iyo Wafdighiisa ayaan Magaalada Muqdisho u yimid si ay uga qeyb qaataan Xaflada Caleemo saarka ah Madaxweynaha Cusub ee Jmahuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Waxaana Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho madaxda Itoobiya iyo Wufuuda kale ee Caalamiga ah kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya .
Wax ayna hada kusugan yihiin Raizul Wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha lasocda Xarunta Iskool Buluuziyo ee ka dhaceyso Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud.
Waxaa sidookale goordhaw Garoonka Aadan Cadde kasoo dagay Raizul Wasaare kuxigeenka Dalka Turkiga oo isna Muqduisho u yimid ka qeyb galka Xaflada caleemo saarka ah ee Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.
Waxaana wali Garoonka Aadan Cadde kasoo dagaya Diyaarado badan oo sida Madaxweynayaal iyo Wafuud kale oo caalami ah kuwaa oo ka qeyb qaadan Doono Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub.