Imaatinka Faroole ee Muqdisho oo la sheegay in kaliya Caleemo saarka ku ekeen balse uu Dano kale wato(Xog)
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Raxmaan Maxamed Maxmuud Faroole ayaa lagu wadaa in Maanta uu soo gaaro Magaalada Muqdisho sida qorshaha aheed si uu uga qeyb galo Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.
Faroole oo la filayay in maalintii shalay aheed Muqdsisho soo gaaro balse arimo u gaara ah u baaqday ayaa saakay imaanaya sida aan xog ku helnay si uu uga mid noqdo dadka ka qeyb galaya Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.
Waxaa kaloo xog ku helnay in Faroole imaatinkiisa kaliya in aysan ku ekeen xaflada caleemo saarka ah balse uu doonayo in Madxaweynaha Cusub cadaadis ku saaro sidii uu Nin kasoo jeeda Beeshiisa iyo Deegaanka Puntland Raizul Wasarae kaga dhigo.
Madaxweynaha Puntland ayaa gadaal ka riixaya in mar kale Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas laga dhigo Raizul Wasaraha Cusub ee Soomaaliya inkastoo rajada taasi laga qabo ay tahay mid aad u yar ,waxaa sidoo kale Faroole naftiisa uu rajo ka qabaa in Raizil Wasaare laga dhigo.
Xaflada caleemo saarka kadib ayaana la filayaa in Faroole kulan la qaato Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya si uu ugala hadlo isbadalka dalka ku yimid iyo damiciisa ku aadan in Raizul Wasarae mar kale helaan Nin reer Puntland ah.
Waxaa wali kala cadeyn Cida uu Madxaweynaha Cusub ee Soomaaliya ka dhigi doono Raizul Wasaaraha Soomaaliya waxaana socda wada tashiyo ku aadan arintaasi inkastoo ay soo baxayaan magacyo rag laga yaabo in ay Noqdaan raizul Wasaare.