Gabadh sheegtay in ay jeceshahay in Wiilasha ay Barato ay ku sameyso dhacdooyin lala yeebo
Gabadh ayaa sheegtay in ay jeceshahay in wiilasha ay barato ee ka doonaya in ay la sheeko wadaagaan ay ku sameyso dhacdooyin lala yaabo.
Muumino isaaq oo ah 18 jir ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dabeecadeeda ay ka mid noqotay in ay wiilasha xiriirka ka doonaya in ay sidaas ula dhaqanto, laakiin aysan ka ahayn in ay raga xumeyso.
Muumino waxay sheegtay in dhowr wiil oo ay baratay ay qaarkood ku sameysay dhacdooyin kala duwan, waxa ay sheegtay in qaarkood markii ay la balantay oo guriga ay ugu yimideen ay dharka ku dhaqatay.
Waxay sheegtay in qaar kale oo Taleefan ay ku baratay ay gabdho kale u diyaarisay, isla markaasina ay ku xujeysay in uu ka soo dhex saaro.
Waxay sidoo kale sheegtay in qaar kale ay u diraaisay Rag, kuwaaasi oo markii wiilka uu u yimid cabaarna la sheekeystay ku soo baxay ayagoo qoryo wata handaday, inkastoo markii dambe laga raadiyay.