KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
U Fiirso Guurkaaga iyo Qofkaad Guursaneyso Part 2: “Maqaal Muhiim ah”
U Fiirso Guurkaaga iyo Qofkaad Guursaneysoe: “Maqaal Muhiim ah”

Qeybta 2aad

Guurku sidiisaba waa raxmad Allah ku manaystay adoomahiisa, adoomahaas oo ah kuwo Alle fadli (Karaame) yeelay marka loo eego maqluuqa kale ee Alle uumay, Guurku wa nabad, naxariis, midnimo, is afgarad iyo waliba asaga oo ah halka ay ka bilaabato taranka bani’aadamka.

Guurka sidoo kale waxa uu daawo u yahay dhibaatooyin badan oo heysto dhalinta aan guursan, guurka waa xasiloonida maskaxda waa qofkii u fiirsado guurkiisa waxuuna ka helaa lamaane la wadaago dhamaan wax yaabaha nolosha la xariiro sida dheefta, dhibaatada, faraxada, murugada, macmacaanka nolosha iyo qaraarka nolosha.

Ruuxna ma dareemo dhameystirnaan ilaa uu ka baxo katiinada ku jabsan ee uu kula xeran qolka baaxada wayn ee doobnimada, nolosha raaxadeeda ma arkin ilaa aad ka gasho guur xalaal ah, mana dhadhamin miraha jaceylka ilaa aad ka xarooto dhaxanta lana hoyato lamaanahaadii aad galgaceylka u haaysay.

Marka labadiinii jaceyl wadaaga aheed is guursataan aadna gashaan gogol ku dhisan kalsooni iyo is aaminaad waxaa shaki la’aan ah in lamaanahaas ay galayaan nolol xasilan oo aad u macaan loona aayo ciribteeda dambe adinka oo ku dadaalaayo Alle ka cabsi (waxuu Alle farayne la fartoonaado waxii kaa reebayne laga reebtoonaado.) gaar ahaan lamaanaha is doortay ku dadaalaan in ay ka dheeraadaan waxii gurigooda dumin karo.

Kheyraadka (Nimcada) iyo faa’idooyinka guurka ma ahan wax lagu soo koobi karo qoraal, balse waa qodob u baahan in wax laga iftiimiyo dhamaan shacabka daaha looga rogo qiimaha uu guurka u leeyahay bulshada iyo waliba siyaabaha loo ilaalin karo Mas’uuliyada iyo sida ugu haboon ee aad ku xulan karto lamaanahaaga aad nolosha la wadaagi doonto mustaqbalkaaga, intii Alle naga waafajiyo.

Guurka waa furaha qasnada ubax (ubad) xalaal laga helo waa habka taranka aadaniga ku farcamo waa hubka lagula dagaalamo kalinimada iyo sinada, oo anaga oo dhan aqristow ma jireen hadii uusan guur jirin, waxaana sabab u ah kana ahaaney jiritaankeena xalaal oo Alle (SWT) u jideeyay oo ay waalidiinteena (hooyo iyo aabe) isla galeen.

Dhanka kale hadii bulshadu ka haboowdo aqlaaqda guurka waxaa qalibmaayo asluubtooda oo dhan waxaan yaranaayo tarankooda iyo helida owlaad xalaal ah sidaa daraadeed waxa la gudboon ruux walbo oo guur doon ah gaar ahaan dhalinyaradeena Soomaliyeed in ay u fiirsadan (fikiraan) guurkooda oo aan lagu deg deign.

La soco Qeybo kale.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,949,942 unique visits Top