DAAWO MUUQAAL:Talyaaniga oo baarintaan ku bilaabay Tuugada 2-Dal oo dhanka xatooyada gawaarida laga qeeyliyay
Dalka Tayaaniga sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay dhaca loo geeysto gawaarida Qaaliga ah oo inta badan lagala baxsado dalkaas kuwaas oo dabadeed loo beec geeyo labo dal oo ku yaala Yurubta bari.
Ciidamada Booliiska dalka Talyaaniga ayaa bilaabay maalmahaan dambe in ay si Live ah Xuddudaha dalka Talyaaniga ugu ugaarsadaan Gawaarida iyo dadka sharciga leh ee ka imaanaya dalalka Bulgaria iyo Romania.
Booliiska dalka Talyaaniga ayaa soo leexsanayay gaari kasta oo ay ku arkaan Calaamada ama magaca ah BG (Bulgaria) iyo RO (Romania).
Dadka ka soo haajira dalalkaan aanu soo sheegnay ayaa lagu eedeeyay in ay ka ganacsadaan Gawaarida loo yaqaan Suuq-madoowga waxeeyna sidoo kale rag u dhashay wadamadaan gawaari fara badan kala baxsadeen magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga.