SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Guuldaradii Real Madrid Ka Dib Jose Mourinho Oo Yiri: Xilligan La Joogo Koox Ma Heysto.
Jose Mourinho ayaa sheegay in haatan Real Madrid ay la’dahay dadaalkii ay guul ku gaari laheyd, isagoo sheegay inuu doonayay inuu bedelo 7 ciyaaryahan xilligii nashada ee kulankii Sevilla.

Los Blancos ayaa kulankoodii labaad oo ay marti yihiin ay guuldarro ka soo gaartay xilli ciyaareedkan, waxaana jihada ka wareerisay koox shaqo badneyd oo Sevilla ah.

Isagoo qirtay in Sevilla ay u qalantay guusha, tababare Mourinho ayaa daacad ka ahaa sida uu u qiimeeyay qaab ciyaareedka kooxdiisa.

“Sevilla waa ay u qalantay inay badiso, lakiin waxaan u qalanay in goolal intaas ka badan la inoogala badiyo. Waan u hambalyeeynayaa Sevilla, waxa ay sameeyeen wax walba sidii ay ku badin lahaayeen. Abaalmarinteena ayaa nala siiyay, waxaan helnay wixii aan u qalanay ka dib ciyaar aad u fool xun oo aan ciyaarnay” ayuu yiri Special one ka dib dhamaadkii ciyaarta.

Tababaraha ayaa markaasi la weydiiyay hadaii xaalada maskaxeed ee Cristiano Ronaldo ay wax u dhintay weerarka Real Madrid.

“Wax saameyn ah kuma laheyn qaab ciyaareedkeena maanta. Ciyaartii maanta waxa ay aheyd mid la mid ah tii aan la ciyaarnay Valencia, Getafe iyo Granada. Sidaasi darteed uma maleynayo inay wax xiriir la leedahay buuqii socday labadii isbuuc ee u danbeysay.

“Waxaa dhibaato ay inaga heysataa maskax ahaan. Waxaan la’nahay inaan u shaqeyno si wadajir ah. Kaliya labo iyo seddex ciyaaryahan ayaa u ciyaaray sida kubada cagta inay noloshooda tahay. Laakiin aniga ayaa tababaraha ah, sidaasi darteed aniga ayaa qaladka iska leh.”



“Xilligii nasashada waxaan bedelay labo ciyaaryahan Ozil iyo Di Marria, lakiin waxaan doonayay inaan bedelo 7 ciyaaryahan. Kubada cagta waa in loo ogolaadaa in bedel badan la sameyn karo.

“Taas micnaheeda ma ahan in Di Maria ama Ozil ay ahaayeen ciyaaryahano ka xun kuwii ciyaaray 90ka daqiiqo oo buuxa.

“Ciyaartoyda Sevilla waxa ay u dagaalamayeen kubad kasta sida in noloshooda ay ku xiran tahay oo kale. Kooxdeyda sidaas ayay sameysay kulankii Barcelona, lakiin wixii ka danbeeyay ma aysan sameynin.”

Barcelona ayaa 4-1 kaga badisay Getafe, taasoo ka dhigeysa in kooxda caasimada ka dhisan ay 8 dhibcood ka danbeeyaan kooxda ay xafiiltamaan ka dib afar kulan oo la ciyaaray horyaalka.

“Kooxdeyda haatan ma muuqato. Waana dhibaatada i heysata. Xilligan la joogo ma heysto koox, taas ayaana walwal igu rideysa.

“Waxaan si xun u ciyaarnay kulamada horyaalka, waxaan ku mashquulsanahay taas halkii aan ku mashquuli lahaa dhibcaha inoo dhaxeeya Barcelona.”
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,956,293 unique visits Top