Ururka Al Qaacida oo sheegtay Dilka Madaxdii Mareeykanka ee lagu laayay dalka Liibiya (Daawo Muuqaal ahaan Masuuliyiinta la laayay +Warbixin)
Ururka Al Qaacida ayaa ku dhawaaqay inay ka dambeeyeen Dilkii loo geeystay dhawaan safiirkii dawlada Mareeykanka u fadhiyay dalka Liibiya kaas oo maalmo ka hor lagu dilay isaga iyo 3 kale magaalada Bengazi ee dalka Liibiya.
Masuuliyiintaan Mareeykanka ah ee lagu laayay dalka Liibiya ayaa xiligii la dilayay waxa ay ku sugnaayeen Safaarada Mareeykanka uu dhawaan ka furtay dalka Liibiya gaar ahaan magaalada Bengazi waxaana goobtii ay ku sugnaayeen lagu gubay Baasukayaal iyo Sawaariiq kale oo garbaha laga tuuro.
Meeydka Madaxda la dilay ayaa iminka laga soo dajiyay dalka Mareeykanka waxeeyna ururka Al Qaacida shaaciyeen inay ragaas ugu aargudeen shaqsi dhawaan looga dilay dalka Pakistaan .