Guurku waxa uu qeyb ka yahay waxyaabaha hormarka aadmiga ka qaato qeybta ugu wayn, oo hadii uusan guur jiri laheen, aadmiga maba tarmeen ilaa laga soo bilaawo xiligii Nebi Adam (CS) ilaa haatan door muhiim ah ayuu ka qaataa jiritaanka aadmiga.
Dhanka kale waxaanu wada ogsoon nahay in bulsho yar aysan gaari Karin hor mar wax barasho, ciidan, dhaqaalebo iyo kuwo kale oo muhiim ah. Dal walbo tirade dadkiisa iyo waxqabadkooda ayaa gaarsiiso in uu gaaro hor mar inta kale tiigsadaan, bulshada badan ayuu hormar ku jiraa ee wax isla wada qabsaneyso u jeedkooduna yahay hal.
Sideedabo guurku waxa uu abuuraa qoys, qoyskuna waxuu kordhiyaa bulshada, kororka bulshadane waxa ay qeyb ka qaadataa il’baxnimada iyo xadaaradahooda oo waxa ay noqdaan dad dhinac walba ka dhisan. Hadii ay helaan barnaamijyo hormarineed.
Waaydan dambe waxaa soo batay guurka lagu deg dego furiin aanba saa uga sii dambeyn oo dabo socdo, horaa loo yiri (geedkii orad lagu koraa orad ayaa looga soo degaa) waaba hadii aanan bootin looga soo deign! Taas oo dhaqan u ahayn Soomaalidii hore. Soomaalidii hore guurka waa ay ka fiirsan jireen oo reerka inanta dhalayna laga doonan jirey gogol geed hoostiisa la dhigan jiray laguna soo dhibi jiray sidaa daraadeedna ma sahlaneyn inanta intaa laga soo maray sahal in lagu furo, waxuuna ahaa furiinku bari samaadkii mid dhif iyo naadir ah.
Waxa waayadan dambe sida badankeen la socdo la arkaa aroos deg deg ah iyo furiin isdabo yaal oo kaba fudud arooskii, waxaa la yiri “hadal aan fiirso loo oran iyo caano aan fiiqsi loo dhamin, feerahaada ayey wax yeeleeyaan.” Furiinkaas deg dega ah ayaa sabab looga dhigaa guurka oo lagu fududaado iyo waliba mararka qaarkood ayadoon waalidka la tix galin.