Wadooyinka Qaar Ee Muqdisho Oo Saakay Xiran iyo Amaanka Muqdisho Oo Aad Loo Adkeeyay
Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa maanta intoodabadan laxiray waxaa wadooyinkaasi lagu soodaadiyay aroornimadii saakay ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaas oo dadka is hor isaag kusameenaya.
Wadooyinka saakay xiran ayaa waxaa kamid ah wada dheer ee soogasha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho wadooyinka gala Iskool Buliziyo oo ah halka ay kadhaceyso maanta Xaflada Caleema saarkaa wada Marka almukarama iyo wadooyinkalaba.
Dhamaan wadooyinkaani ayaa waxa kusugan ciidamada Dowlada Soomaaliya waxeyna dadka Shacabkaa ay ku amrayaan in ay kalaabtaan oo ay san isticmaali Karin iyo gawaaridaba xitaa isticmaalkooda aan loo ogoleen.
Ciidamadaan ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo sugaayo amaanka Magaalada Muqdisho oo ay maanta soogaarayaan wafuud heer caalami ah kuwaas oo lafilaayo in ay kaqeebqaataan Xaflada Caleema saarkaa ee maanta kadhaceysa Muqdisho.
Haatanba waxaa Iskool Buluziya kasocda qaban qaabada Xaflada Caleema saarkaa taas oo maanta lafilaayo in ay xilalka kukala wareegaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee KMG ahaa Shariif Shiikh Axmed.