Diyaaradaha Rakaabka ah oo Maalinta Berito laga mamnuucay in ay ka dhoofaan kana soo Dagoon Garoonka Aadan Cadde
Maamulka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa caawa Shaaca ka qaaday in Maalinta Berito ah garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho aysan jirin doonin diyaardo rakaab ah oo ka duula ama kasoo daga.
Maareeyaha Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho Eng Cali Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in sababo amaan darteed maalinta berito ah aan Diyaaradaha ay leeyihiin Shirkadaha Soomaalida iyo kuwa kale ee dadweynaha ah aan loo ogolaan doonin in ay garoonka kasoo dagaan ama ka duulaan waxii ka dambeeya 9-subaxnimo.
Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in berito Dhaq dhaqaaqa garoonka Aadan ay tahay mid xadidad oo aad loo yareeyay sidoo kale ay fasaxeen inta badan Shaqaalaha Garoonak Aadan Cadde si amaanka loo adkeeyo.
Sababaha loo diiday beri in garoonka Aadan Cadde in ay isticmaal Diyaardaha caadiga ah ayaa lagu sheegay in ay tahay iyadoo maalinta berito ah la filayo in Magaalada Muqdisho soo gaaraan diyaarado dhoor ah oo sida wafuud caalami ah kuwaa oo la filayo in ay ka qeyb qaadan doonaan Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya.
Wali si rasmi ah looma oga masuuliyiinta iyo madaxda la filayo in ay kaasoo qeyb galaan Caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ,waxaana la filayaa in Magaalada yimaadaan madax kasocota wadamo badan oo daneeya arimaha Soomaaliya.