Halka ay AL-Shabaab ka difaacdaan magaalada Kismaayo oo haatan duqeyn lagu wado
Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarado kuwa dagaalka ah ay duqeyn ku wadaan deegaano Xarakada ay maamusho.
Duqeynta ayaa waxa ay ku dhaceeysaa deegaanka Birta Dheer oo dad kalena ay u yaqaanaan Siinka Dheer oo masaafo 70 KM ah u jirta magaalada Kismaayo, islamarkaana 50 KM xaga dambe u jirta degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.
Sida wararka ay nagu soo gaarayaan Diyaarad dowlada Kenya ay leedahay ayaa duqeyn xoogan ku wada Deegaanka Birta Dheer gaar ahaan fariisimihii Ciidamada xarakada AL Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.
Dhoor Gantaal ayaa lagu dhuftay Goob ay isugu yimaadaan Askarta AL Shabaab, iyadoo gantaalo kalena ay ku dhacayaan bartamaha deegaanka Bira Dheer, waxaana jira qasaaro xoogan oo Duqeynta ka dhalatay.
Afhayeenka Raaskambooni C/naasir Seeraar oo VOA la hadlay ayaa sheegay in duqeynta galabta lagu wado Birta Dheer ay sahleeyso in xarakada AL Shabaab ay ka baxaan magaalada Kismaayo ee xarunta G/J/Hoose.
Birta Dheer ama Siinka Dheer ayaa waxa ay Kismaayo u jirtaa 70 Kilo Mitir, waana deegaanka ay Xoogaga AL Shabaab ka difaacanayaan magaalada Kismaayo.
Afhayeenka AMISOM Colonel Xaamud ayaa sheegay in Kismaayo ay waqtiyada soo socda gudaha u gali doonaan, hadii ay ka talaabsadaan deegaanka Birta Dheer ee haatan duqeynta lagu wado.
Wararkeena dambe la soco, Hadii Alle idmo waxaan kusoo qaadaneynaa Faah Faahinta duqeynta dhaceeysa.