Dagaal xoogan ayaa Shalay, xalay iyo Galinkii hore ee maanta ka dhacay duleedka Deegaanka Biibi oo si rasmi ah gacanta ugu soo gashay dowladda Federaalka Soomaaliya, Jabhada Raaskambooni iyo Militeriga Kenya oo isgarabsanaaya.
Ciidamada dowladda ayaa maanta barqadii waxa ay toogasho ku dileen labo ka tirsan ciidamada xarakada AL Shabaab oo waxyaabaha qarxa ku aasayay wado ay mari lahaayeen askarta ciidamada Xooga Soomaaliyeed.
Labadaan qof ee Shabaabka ka tirsanaa ayaa xabado lagu furay xilli ay dhulka ku duugayeen Miino sida uu sheegay Afhayeenka Jabhadda Raas -Kambooni C/naasir Seer oo warbaahinta la hadlay duhuradi kadib.
Afhayeenka ayaa qiray in meydka Labadaasi ruux iyo miinada ay aasayeen ay gacanta ku hayaan, islamarkaana Warbaahinta maxaliga ay u soo bandhigi doonaan saacadaha soo aadan.
Dhanka kale ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaayo Raas-Kambooni iyo Kenya ayaa ku dhow magaalada Kismaayo, iyagoo haatan u jirsaday meel sidaa u fogeen.
Xarakada AL Shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa dareen iyo feejignaan xoogan ka muujinaya Hujuumka dagaaleed ee kusoo wajahan caasimada Jubadda Hoose.