Madaxweynaha Yugandha oo sheegay in doorashadii ka dhacday Soomaaliya ay tusaale u tahay Soomaaliya oo heshay…
Madaxweynaha dowladda Yugandha Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay cadeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda ka dib 21-sano oo colaado ay ka jireen.
Museveni ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go'an tahay inay si niyad sami ah ula shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka Al-shabaab oo uu ku sheegay koox ka soo horjeedda nabad ka dhalata Soomaaliya sida uu yiri, wuxuuna yiri mar uu arrinkaasi ka hadlayey sida tan “Soomaaliya waxay heshay dowlad buuxda, taasina waxay ka dhigan tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka gudbeen dhibaatadii 21-ka sano ay ku jireen”.
Mr. Museveni wuxuu sidoo kale farriintiisa ku sheegay in dowladda Yuganda ay siinayso tixgelin gaar ah mas’uuliyiintii dowladdii hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii laga guuleystay Shariif Sheekh Axmed iyo saaxiibadiisii la saxiixay qorshihii Road-mapka ee Soomaaliya looga saaray xilligii KMG-nimada ahaa.
Dalka Yuganda ayaa waxaa Soomaaliya uga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay kawaddo Soomaaliya, waxaana Uganda ay muddo dheer lugta kula jirtay siyaasadda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Yuganda Museveni inta badan isha ku hayey Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii, isagoo ku yimid Muqdisho booqasho sanadkii 1992-kii iyo sanadkii 2010-kii, xilligaas oo uu Madaxweyne ka ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo la sheego inay yihiin saaxiibo isku dhow.