(SAWIR)Wariyihii caanka ahaa ee Axmed Maxamed Nairobi oo geeriyooday
Warihii caanka ahaa ee BBC-da laanteeda afka Soomaaliga Axmed Maxamed Taajir (Nairobi) ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyoodey magaalada Siyaloow (Isiolo) ee dalka Kenya.
Axmed Nairobi oo caan ku ahaa barnaamijka baafinta dadkii kala lumey dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dib ayaa la sheegey in uu u dhintey xanuun, isagoo jirey 70 sanno ka badan.