Ciidamada Ethiopia 5-Sarkaal oo Soomaali ah ku Xiray Beledweyne
Wararka naga soo gaaraaya magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan ayaa soo sheegaaya in Ciidamada Ethoipia ee ku sugan magaaladaasi ay xabsiga u taxaabeen saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo aan ilaa hadda la xaqiijinin sababta xabsiga loogu taxaabay.
Tirada saraakiisha Dowladda katirsan ee xabsiga loo taxaabay ayaa la sheegay in ay dhanyihiin ilaa 5-sarkaal, waxaana wararka qaar ay soo sheegayaan in Ciidamadaan xabsiga loo taxaabay ay ku kaceen arrimo aysan jecleysanin Ciidamada Dowladda.
Arrintaan ayaa dhalisay in ay gadoodaan Ciidamo kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo bandow ku soo rogay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan..
Gadoodka ay sameeyeen Ciidamada Ethiopia ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay isku socodka gaadiidka ee magaalada Beledweyne oo maanta qaddar kooban hakad galay.
Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamada Ethiopia ee Beledweyne kusugan ayaa hadda ka hor dhowr waxay ka xumaadeen falal dhac ah oo ay dadka rayidka ah u geysteen Ciidamo katirsan kuwa maamulka gobolkaasi.