MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
QM oo war culus kasoo saartay qaraxii lagu weeraray madaxweynaha cusub
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Bankimoon iyo ergaygiisa Soomaaliya ayaa si xoogan waxa ay u dhaleeceeyeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay maalintii shalay magaalada Muqdisho gaar ahaan hooy uu si gaar Muqdisho kaga daganaa Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Xasan Shiiq Maxamuud.

Baankimoon xoghayaha guud Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhacdadaan naxdinta badan ee Muqdisho ka dhacday aysan dib u dhigi doonin geedi socodka nabada iminka dalka u soo bidhaantay gaar haan magaalada Muqdisho.

Sidoo kalena waxa uu tlimaamay in ciidamada ammaanka ay gaabiyeen adkeynta ammaanka guud ahaan Muqdisho,waxa uuna afhayeenka ku celceliyay in marnaba aysan joogsan doonin taageerida ay Qaramada Midoobay siineyso Soomaliya oo dagaalo ay la dageyn.



Warar hore oo soo baxayay ayaa muujinayay in sadex nin oo ku lebisan dareeska ciidamada dowlada ay isku dayeen inay gudaha u galaan Hoteelka Jaziira oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha cusub iyo mas’uuliyiin ka socotay dowlada wadanka Kenya halkaasi oo ugu socday kulan ay ku gorfeynayeen xiriirka saaxiibtinimo ee labada dowladood.

Ragii soo weeraray goobta uu ku sugnaa Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa ka hortagay ciidamada sugayay ammaanka Hotelka dabadeedna ka hor inta aysan galin Hotelka,tiro ka tirsan ciidamada ammaanka dowlada ayaa wax yeelo ka soo gaartay weerarka,hal askari oo AMISOM ah waa uu ku dhintay halka seddex kalena ay ku dhaawcmeen weerarka ismiidaaminta ahaa ee shalay dhacay sida war ka soo baxay xafiiska siyaasada QM ee Soomaliya lagu sheegay.

Comments
Render time: 0.03 seconds 4,582,300 unique visits Top