Booliska K/Afrika oo Soomaalida dalkooda ku nool ku eedeeyay inay sameeyeen amni-darro markii la doortay madaxweynaha cusub ee Somaliya
Booliska koonfur Afrika ayaa gebi ahaanba ku tilmaamay qaabkii ay Soomaalida ugu dabaal dageen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wax ka baxsan qaabka dabaal dagyada iyo isu soo baxa loo abaabulo, isla markaasna uu habkaasi ahaa mid aan la aqbali karin sida yiraahdeen.
Booliska ayaa sheegay inaysan sharci aheyn dalka koonfur afrika in shacabka dhexdiisa baabuur lagu dhexwado ayadoo aan laga fiirsan khasaaraha ka dhici karo, sidoo booliska oo aan wax tixgelin ah la siin iyo wadooyinka oo sidii sharciga eheed aan loo isticmaalin, waxaana xusid mudan in habeenkii talaadada dalka koonfur afrika waxaa ku dhintay ku dhowaad 10-qof oo siyaabo kala duwan ugu dhintay magaalooyinka johansberg iyo Cape town oo ay iskugu soo baxeen soomaali aad ufara badan oo muujinayay qiiradooda ku saabsan hogaanka cusub ee Soomaaliya walow uun booliska soo dhowen arrimahaas.
Dhanka kale booliska ayaa dembi k tilmaamay wixii halkaasi ka dhacay, maadaama aanan wali la heyn dadkii sameeyay dembiyo ula kaca ah sida darawalkii gabadh wadada mareysay baabuurka ku dhuftay oo cararay iyo wiilkii jebiyey dhalada hore ee gaarigii booliska iyo waliba bistoolad laga dafay booliska.
Dhanka kale waxaa ilaa hada laga warqabaa in ay ugu yaraan sadax qof ku geeriyaatay isbitaalka magaalada cape town oo uu ka midyahay wiil baaburkiisa shil ku galay, kaas oo ahaa 26-jir ayaa ahaa wiilkii ugu horeeyay ee ka dhaga adeego booliska isagoo baaburkiisa ku xardhay sawirada Maxadweyne Xasan sheekh Maxamuud, halka ninka kale uu isagana dhaawac u dhintay.