MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Wasiirka arrimaha dibadda:- Turkiga waxay dedaal ugu jirtaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd
Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya ayaa ka wadahadlay arrimaha dalka Soomaaliya iyo sida xal loogu heli-karo arrimaha Soomaaliya, waxaana arrintani ay timid ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Axmed Daa’uud Oogle uu khadka taleefanka kula soo xiriiray Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Haila Maryam Desssalegn, kaas oo uu kala hadlay arrimaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa u sheegay Ra’isul wasaaraha Itoobiya howlaha kala duwan ee uu Turkigu ka wado dalka Soomaaliya iyo sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen arrimaha dalka Soomaaliya ka jira, gaar ahaan gacan-siinta dowladda Soomaaliya

“Turkiga waxay dedaal ugu jirtaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd xasiloonidii iyo kala dambeyntii, lugaheedana isugu taagi laheyd, sidoo kale waxay taageeraysaa dedaalada beesha caalamka ka wadaan xal u hellidda arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Axmed Daa’uud Oogle oo u soo jeediyay Itoobiya sidii kaalmo loogu heli lahaa dadka qaxootiga ah ee Soomaalida ah ee ku nool dalka Itoobiya oo uu Turkigu doonayo inuu gacan ka geysto.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Haila Maryam Desssalegn ayaa isna sheegay inuu soo dhaweynaydo dedaalka ay dowladaha beesha caalamku ugu jiraan xal u helidda arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in taageerada ay Itoobiya siiso dowladda Soomaaliya ay sii wadeyso inta ay cagaheeda isku taageyso Soomaaliya.
Comments
Render time: 0.49 seconds 4,520,959 unique visits Top