QM oo waqtigii ukordhisay ciidamada Amisom ee Soomaaliya
amaanka ee QM ayaa si deg deg ah Waqtigii ugu kordhiyay ciidamada Amisom ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya.
Howlgalka Amisom ee Soomaaliya ayaa ku ekaa 31-dii Bishii lasoo dhaafay waxaana si deg deg ah ay Golaha amaanka ugu kordhiyeen waqtiga Soomaaliya.
Bayaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in ciidamada Amisom haatan loogu daray mudo 7 maalin ah “Hal todobaad” si ay usii wadaan Howlgalka Soomaaliya.
Mudada todobaadkaas ah kahor ayaa waxaa kulan gaar ah qaadan doona golaha amaanka ee QM iyagoo ka doodaya in waqti hal sano ah loogu daro joogitaanka ciidamada Amisom ee Soomaaliya.
Golaha ammaanka ayaa qiimeyn iyo dib u eegis ku sameeyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo lagu kala aragti duwanaaday, waxaana xubnaha Golaha ammaanka isla garteen in dib u eegis lagu sameeyo in xilligan Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ee la saaray sanadkii 1991-dii.
Amisom ayaa sidoo kale dalbanaysa in lasiiyo awoodo dheeraad ah sida dagaaladda Shabaab iyo gacan ka siinta dowlada maamul in loo sameeyo goboladda Shabaab lagala wareego.