Adriano Galliani: Barcelona Iyo Real Madrid Waxa Ay Ka Yimaadeen Adduunyo Kale.
Madaxweyne ku xigeenka AC Miulan Adriano Galliani ayaa dareensan in aysan macquul aheyn in Rossoneri ay kula tartanto kooxo sida Barcelona iyo Real Madrid Champions League.
68 jirkaan ayaa aaminsan in kooxda Serie A ka dhisan inay iska dhicin karto koox kasta oo Talyaani ah, laakiin waxa uu ka cabsi qaba kooxaha ugu tunka weyn Spain.
“Feker ahaanteyda Milan waxa ay la tartami kartaa koox kasta oo Talyaani ah, lakiin xaalada waa ka duwan tahay marka Europe la yimaado. Kooxaha sida Barcelona iyo Real Madrid waxa ay ka yimaadeen adduunyo kale.” ayuu Galliani u sheegay Corriere dello Sport.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa markaasi ka dib ka hadlay taam ahaanshaha Alexandre Pato, waxaana uu shaaca ka qaaday inuu ku dhow yahay inuu garoomada ku soo laabto.
“Pato? waxa uu u soo kabsanayaa si fiican. Waxaan rajeynayaa inuu ku soo laabto garoomada sida ugu dhaqsiyaha badan.
Milan ayaa sabtida la ciyaari doona kooxda Atlanta.